Ahlu Sunna oo ka hadashay heshiiska DF iyo madaxda Galmudug

Muqdisho(Caasimada Online) – Maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe ayaa ka hadlay heshiiskii magaalada Cadaado ay ku gaareen madaxda maamulka Galmudug iyo wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya.

Maamulka Ahlu sunna ayaa sheegay inays oo dhaweynayaan heshiiska magaalada Cadaado lagu gaaray, ayna muujineyso rabitaanka shacabka gobolada dhexe ee ah inay hal maamul oo ay ku mideysan yihiin sameeyaan.

Afhayeen u hadlay maamulka Ahlu sunna ayaa sheegay inay la dhacsan yihiin heshiiska ayna aaminsan yihiin in guul laga gaari doono heshiiskaasi, maadaama la doonayo in Ahlu sunna laga qeyb gelinayo dhismaha maamulka Galmudug.

Waxay noqoneysaa guul usoo hoyatay shacabka gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya oo doonaya inay yeeshaan maamul ay ku mideysan yihiin, sida uu sheegay afhayeenka u hadlay maamulka Ahlu sunna ee gobolada Dhexe.

Dowladda Soomaaliya ayaa ilaa dhamaadka bishaan dib u dhigtay doorashada madaxweynaha maamulka Galmudug, iyadoo qorshaha uu yahay in laga qeyb geliyo madaxda Ahlu sunna.

Ahlu sunna ayaa horey usoo dhaweysay qoraalkii kasoo baxay ra’iisul wasaaraha dalka oo ahaa in dib loo dhigo doorashada madaxweynaha Galmudug, si maamul mideysan halkaais looga soo saaro.

Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa in maalmaha soo socdo kulamo wadatashi ah lagu qabto.

Caasimada online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com