Xog: Maxaa lagu qanciyay mas’uuliyiinta iyo taliyayaasha xilalka laga qaaday?

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia ayaa kulamo kala duwan la qaadanaaya Mas’uuliyiinta iyo Taliyayaasha xilalka laga xayuubiyay.

Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha ayaa mas’uuliyiintaasi ku qanciyay isbedelka ka socda dalka, waxa ayna u cadeeyen in sababta xilalka looga qaaday aysan aheyn ujeedo kale balse ay hiigsanayaan isbedelka ay ku dhawaaqen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa mas’uuliyiinta iyo Taliyayaasha u sheegay inaanu dhamaan baahida loo qabo inay la shaqeeyan dowlada, balse kaliya ay waayen xilalka ay ku magacawnaayen.

Farmaajo waxa uu mas’uuliyiintaasi ka hor cadeeyay in looga baahan yahay inay caawiyaan dowlada, gaar ahaan mas’uuliyiinta lagu bedelay waxa uuna meesha ka saaray in dowladu ay garab u tahay cid gaara.

Ra’isul wasaare Kheyre ayaa isna mas’uuliyiintaasi ugu baaqay inay garab istaagan dowlada waxa uuna tilmaamay in xilka uu yahay mid marba qof uu soo mari doono.

Waxa uu tusaale usoo qaatay in shalay ay hayeen xilal muhiim u ah Qaranka, maantana ay yihiin kuwo aan heyn xilkii ay u hayeen Qaranka, isla markaana ay suuragal tahay in wakhtiyada soo socdana ay qaban doonaan xilal.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa shaqsiyaadka xilalka laga qaaday ku qanciyay inaysan dhaliilin qaabka xilka looga qaaday waxa ayna carab dhabeen in isbedelka uusan aheyn mid ku ekaan doona iyaga.

Docda kale, mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha xilalka laga qaaday ayaa soo dhaweeyay qorshaha isbedelka ee saameynta ku yeeshay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com