Xog-warran: Saameynta go’aanka beesha Galmaax uu ku yeelan karo DF

Muqdish (Caasimada Online) – Waxaa muuqata in beesha Galmaax Yoonis aysan ku qanacsaneyn magacaabistii dhawaan uu sameeyay madaxweynaha Soomaaliya, uuna ku magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Kulamo maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho ay ku yeelanayeen ayaa waxay beesha ku dalbaneysay inay helaan xaqada dhanka awood qeybsiga dowladda, iyaga oo u hanqal taagayay xilka maamulka Gobolka Banaadir.

Waxaa beelaha ay sheegeen inaysan la shaqeyn doonin dowladda farmaajo, taasi oo caqabad ku noqon karta qorshaha madaxweynaha Soomaaliya uu ka leeyahay amaanka iyo horumarka gobolka banaadir.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in go’aanka beesha uu yahay mid saameyntiisa leh, waxaana la ogeyn sida uu ku qancin doonto, walow Farmaajo beesha Abgaal uu u dhiibay xilalka ugu sareeyo seddex meelood ee dowladda ay dhaqaalaha ka hesho.

Maareeyaha garoonka diyaaradaha, maareeyaha dekada Muqdisho iyo guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa loo dhiibay beesha Abgaal, walow aysan helin lafaha kale ee doonayay xilalkaasi iney halaan.

Waana tan qasabtay inay mucaaradaan go’aanada kasoo baxay madaxweynaha SOomaaliya iyo ra’iisul wasaaraha dalka Soomaaliya.

Waxaan la ogeyn sida Madaxweyne Farmaajo uu ka yeeli doono go’aanka odayaasha dahaqanka, waxaase laga sugayaa sida uu ku qanciyo beelaha durbaba mucaaradnimada kala horyimid.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com