Daawo Video: Keating “Somaliland waa qeyb ka mid ah Soomaaliya”

Hargeysa (Caasimada Online) – Ergayga gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha Somalia Michael Keating ayaa daboolka ka qaaday in caalamka uu Somaliland u aqoonsan yahay maamul ka tirsan Somalia.

Michael Keating, ayaa sheegay in QM ay Somaliland ula tacaamuleyso si lamida maamulada ka dhisan Somalia, waxa uuna meesha ka saaray in Somaliland ay tahay dowlad ka madaxbanaan Somalia.

Michael Keating, waxa uu tilmaamay in Beesha caalamka oo ay ugu horreeyaan Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika wali u arkaan Somaliland in ay tahay qayb ka mid ah Soomaaliya.

Nuqul kamida hadalka Michael Keating ayaa ahaa ”Annigoo wakiil ka ah xoghayaha Qaramada Midoobay ma ahi kan go’aaminaya sharciyada Somaliland, beesha caalamka um aqoonsana dal madax banaan, waxayna u aqoonsanyihiin qayb ka mid ah Soomaaliya”

”Qaramada Midoobay si siman ayay ula tacaamushaa maamulada ka jira Somalia, adduunkuna raali kama aha in Somaliland ay ka baxdo Somalia inteeda kale”

HALKAAN KA DAAWO VIDEO-GA

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
caasimada@live.com