FARMAAJO oo madaxweyne sii ahaan kara illaa 6 sano

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa ugu dambeyn shalay lasoo geba-gebeeyey kadib bilo ay soo jiitameysay, ayada oo labadii senator ee ugu dambeeyey lagu doortay Galmudug.

Doorashada ayaa soo billaabata 29-kii July, waxayna socotay 108 maalmood, oo ah in ka badan saddex bil iyo bar, ayada oo waxa la dooranayey ay aheyd kaliya 54 Senator.

Dad badan oo ka mid ah kuwa fallanqeeya siyaasadda ayaa rumeysan in casharka ugu weyn ee doorashada Aqalka Sare laga bartay ay tahay inay tusmeysay in doorashada Golaha Shacabka ay qaadan doonto muddo intaas aad iyo aad uga badan.

Doorashada Aqalka Sare kuma lug laheyn qabaa’ilka, ma jirin ergooyin lasoo xulayo. Waxay u baahneyd oo kaliya in madaxweyne goboleedka uu shaaciyo liiska murashaxiinta kadibna baarlaman goboleedka uu doorashada qabto.

Si aad u ogaato sida ay uu fududahay ama waqtiga gaaban ee lagu dhameyn karay, waxaad eegtaa kaliya muddada u dhaxeysay marka ay madax goboleedyada shaaciyaan liiska murashaxiinta iyo marka la qabtay doorashada, taasi oo inta badan aheyd 2 illaa 4 berri.

Hase yeeshee layaabka dhacay ayaa ahaa in madax goboleedyada ay iska haysanayeen bilo, ayada oo aysan jirin wax sabab ah oo muuqda, marka laga reebo Saciid Deni oo doorashada sida ugu dhaqsaha badan usoo geba-gebeeyey.

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa rumeysan in doorashada golaha shacabka ay qaadan karto sanad illaa sanad iyo bar, marka loo eego xawaaraha ay ku socotay doorashada Aqalka Sare.

Taasi waxay ka dhigan tahay in madaxweyne Farmaajo, oo hadda ku jira bishii sagaalaad ee xukunka tan iyo markii waqtigiisa uu dhammaaday, uu kursiga kusii fadhin karo sanad illaa sanad iyo bar kale oo dheeri ah, taasi oo ka dhigan inuu madaxweyne sii ahaan karo 6 sano iyo ka badan, haddiiba aan dib loo soo dooran oo uusan gaarin 10 sano.

Dib u dhacan wax eed ah oo muuqata kuma lahan madaxweyne Farmaajo, waxaana yaab leh in kadib muddo lagu eedeynayey inuu diidan yahay inuu doorasho qabto, ay hadda kuwii isaga eedeynayey ay socodsiin la’yihiin doorashada.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo carcartii doorashada gaabiyey iyo madax goboleedyo aan la ogeyn waxa ay doonayaan ayey ka socon la’dahay doorashada dalka.

Maalin kasta oo uu kursiga ku fadhiyo madaxweyne Farmaajo oo ah wixii ka dambeeyey heshiiskii 27-ka May ee Rooble iyo madax goboleedyada, wax eed ah kuma lahan.