FADEEXAD culus oo ka dhacday gudaha xarunta madaxtooyada Faransiiska

Paris (Caasimada Online) – Dacwad oogayaasha Faransiiska ayaa baaritaan ku billaabay kufsi la tuhunsan yahay in gabar askari ah loogu gaystay gudaha xarunta madaxtooyada Faranasiiska ee Paris bishii July, kaasi oo lagu eedeeyey askari kale, waxaa sidaas AFP u sheegay il-wareedyo garsooor.

Kufsiga la tuhunsan yahay ayaa dhacay bishii July xilli ay socotay xaflad loo sameynayey Jeneral iyo laba qof oo kale, oo uu ka qeyb galay madaxweyne Emmanuel Macron, sida uu shaaciyey wargeyska maalinlaha ah ee Faransiiska ee Libération, oo ahaa kan ugu horreeyey ee xogtan shaaciya.

Askariga la eedeeyey ayaa waxaa su’aalo weydiiyey dacwad-oogayaasha 12-kii July, waxaana u harsan su’aalo kale, hase yeeshee weli si rasmi ah dacwad looguma soo oogin, sida uu sheegay ilo-wareedka garsoor.  

Xafiiska madaxweyne Macron ayaa ahmiyad ka dhigtay inuu iska ilaaliyo fadeexad kale oo qabsata tan iyo shaac ka qaadistii ceebta laheyd ee ku saabsaneyd in mid ka mid ah ilaaladiisa gaarka ah uu weeraray qof da’yar oo dibad-bax dhigayey, bishii May ee 2018-kii. 

Askarigaas oo lagu magacaabo Alexandre Benalla ayaa toddobaadkii tegay lagu xukumay saddex sano ee xabsi ah, balse ma geli doono xabsi marka la eego xeerka xukunada Faransiiska, wuxuuse xiran doonaa aalad lugta lagu xirto oo la socota dhaq-dhaqaaqiisa.

Sida uu sheegay wargeyska Libération, gabadha sheegtay in la kufsaday iyo askariga ay eedeysay ayaa saaxiib ahaa, waxayna ka wada shaqeynayeen xafiis amnigiisa aad loo sugo oo ka tirsan madaxtooyada Élysée Palace, oo shaqadiisu tahay arrimaha xasaasiga ah ee dowladda gaar ahaan, sirta culus.

Wargeyska ayaa sheegay in gabadha ay ashtakada kufsi ka diiwaan-gelisay saldhig boolis oo ku yaalla meel u dhow madaxtooyada, islamarkaana askariga la eedeeyey laga joojiyey shaqada Élysée.

Sarkaal ka tirsan madaxtooyada oo arrintan wax laga weydiiyo ayaa AFP u sheegay “islamarkii eedeyntan ay timid, waxaa la qaaday tallaabooyin deg deg ah oo lagu taageerayo dhibanaha la sheegay, islamarkaana eedeysanaha ayaa deg deg looga wareejiyey xarunta Élysée.”

Wasaaradda gaashaandhigga Faransiiska waa ay diiday inay ka hadasho arrintan.