Farmaajo oo mar kale ka hadlay arrin dhibaato weyn ku heysa shacabka

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa mar kale ka hadlay sida ay dowladiisa uga go’an tahay sameynta Garsoor ku saleysan Cadaalada.

Madaxweynaha waxa uu sheegay in dowladiisa ay iminka wado dhaqan galinta nidamyo dhowr ah oo lagu hormarinaayo Garsoorka, waxa uuna cadeeyay in mowqifka dowladiisa uu yahay Somalia oo yeelato Garsoor caadil ah.

Madaxweynaha waxa uu tilmaamay inay jiraan cabashooyin dhowr ah oo kasoo gaaraya dhanka Bulshada, taa oo ku saleysan dhanka cadaalada.

Waxa uu farta ku goday in cidii ay ku helaan Garsoor xumi uu wajihi doono Ciqaab, Xil ka qaadis iyo dadkiisa iyo dalkiisa oo uu kula kaco qiyaano Qaran.

”Horay waan uga hadlay Garsoorka hadana waan ka hadlayaa dowladu kama raali noqon doonto Garsoor aan ku saleysneen cadaalada”

Farmaajo waxa uu hoosta ka xariiqay in Mas’uuliyiinta Garsoorka looga baahan yahay inay ku dadaalan Cadaaladda haddii kale ay dhibaato ka dhexlayaan adduun iyo Aakhiro haddii cadaalad darro ay ku kacaan.

Sidoo kale waxa uu ballan qaaday Madaxweynaha in sida ugu dhaqsiyaha badan uu wax uga qaban doono arrimaha Garsoorka Dalka si loo helo Cadaalad hufan.

”Waxaad dareemi doontan isbedel dhanka Garsoorka ah, waxaan ku dadaaleynaa in lahelo Garsoor caadil ah oo mideyn doona Umadda Soomaaliyeed”

Haddalka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaaya xili muddooyinkii dambe uu xooga saarayay sidii lagu heli lahaa isbedel dhanka Garsoorka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com