Xog: Dowlada Qadar oo la wareegeysa Mashaariicda Sacuudiga uu ka fulin lahaa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Dowlad Qadar ay si buuxa ula wareegi doonto dhammaan mashaariicda ay dhawaan ballanqaaday dowlada Sacuudiga inay ka fulineyso Somalia.

Ilo wareed ku dhow dhow Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre ayaa laga soo xigtay in dowlada Qadar ay la wareegeyso mashaariicda ay Somalia ka fulin laheyd Somalia, kadib markii Sacuudiga ay dib uga laabatay ballanqaadyadii ay u sameysay Somalia.

Ilo wareedka ayaa sheegaya in Madaxda Qaranka ay qalinka ku duugtay in Qadar ay la wareegto mashaariicda, iyadoo laga duulaayo go’aanka adag ee Sacuudiga.

Dowlada Qadar ayaa ballanqaadyadaani u sameysay Somalia xili dhawaan magaalada Muqdisho ay soo gaaren Wufuud ka socta Wasaarada arrimaha Dibadda Somalia.

Dowlada Qadar ayaa sheegtay inay buuxineyso dhammaan dal daloolada ay faarujisay dowlada Sacuudiga, waxa ayna Qadar ballanqaaday inay laba jibaari doonto xiriirka iyo is garabtaaga Somalia.

Talaabadaani ayaa kusoo beegmeysa xili dhawaan dowlada Somalia ay Sacuudiga ka diiday inay xiriirka u jarto Qadar oo kamid ah dowladaha garabtaagan Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com