FARMAAJO oo markii ugu horreysay ka qeyb galaya shirka golaha guud ee QM

Muqdisho (Caasimada ONline) – Wasiirka wasaaradda qorsheynta xukuumadda Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa shaaciyey in sanadkan markii ugu horreysay uu Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) uu ka qeyb galayo shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay.

Wasiir Jamaal oo ka warbixinayey shir ay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wakiilada beesha caalamka ku yeesheen Baydhabo ayaa xaqiijiyey safarka Madaxweynaha magaalada New York.

Sidoo kale wasiirka qorsheynta ayaa xusay inay dowladdu u diyaar garoobeyso shirka QM iyo mid kale oo ay bilowga bisha soo socota yeelanayaan Soomaaliya iyo beesha caalamka.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in khudbad uu ka jeediyo shirkan oo ah kii 74-aad ee golaha guud ee Qaramada Midoobey, wuxuuna uga hadli doonaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, horumarada ay hiigsaneyso dowladdiisa iyo doorashada 2020/2021-ka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aanan shirkaasi ka qeyb galin, tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, sababo la xariira dhalashadii Mareykanka ee uu heystay.

Shirka guud ee QM ayaa ku soo aadaya, iyadoo 1-dii August ee sanadkan 2019-ka uu Madaxweynuhu dib isaga celiyay dhalashadii uu ka heystay dalka Mareykanka.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com