Natiijada doorashadii Axmed Madoobe lagu doortay oo maxkamad lala tiigsaday

Kismaayo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dib loo doortay bishii hore  ee Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa lala tiigsaday maxkamad, ayada oo la diidan tahay natiijada doorashadii lagu soo doortay.

Cabdalla Axmed Ibraahim oo kamid ahaa musharixiintii loo diiday inay ka qeyb galaan Doorashadii ka dhacday Kismaayo ayaa codsi u diray Maxkamadda gobolka Jubbada Hoose, wuxuuna Guddiga doorashada ku eedeeyey inaan cod bixinta loo qaban sida uu qabo dastuurka Jubalanad.

Tallaabada uu qaaday Cabdalla Axmed Ibraahim, ayaa ka dhigeysa markii ugu horeysay taariikhda tan iyo xornimadii Soomaaliya in doorasho maamul Goboleed loo gudbiyo Maxkamad.

Cabdalla Axmed Ibraahim ayaa qareenadiisa amray inay Axmed Madoobe oo doorashadii dhacday helay 56 ka mid ah 74 Xildhibaan ee coddeeyey lagu soo oogo illaa seddex arrin oo kala ah:

  • Sida loo aasaasay Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorshooyinka iyo Xuduudaha ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan (JIEBC).
  • Shuruudo adag oo la hor dhigay musharixiinta si looga hor istaago inay tartamaan
  • Iyo Hanajbaadyo ay la kulmeen musharixiinta.

Cabdalla ayaa sheegay sidoo kale inuu Axmed Madoobe gacanta ku dhigay Todobada xubnood ee Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorshooyinka iyo Xuduudaha taasoo uu ku sheegay inay kasoo hor jeedo qodobka 93-aad Farqadiisa 4-aad ee Dastuurka Jubbaland.

Wuxuu kaloo sheegay inuu Axmed Madoobe isaga guddiga u meeriyey shuruudaha la hor dhigay musharixiinta taasoo uu ku tilmaamay mid aan dastuurka waafaqsaneyn.

Qodobada aadka u adag oo ay Musharixiinta Jubbaland cabashada ka muujiyeen ayaa waxaa kamid ah in Musharixiinta lagu xiray inay bixiyaan ilaa 30 Kun oo Dollar oo is diiwaan gelinta, inaysan heyn xil Xildhibaan iyo mid wasiir iyo sidoo kale inay musharixiinta Soomaaliya ku sugnaayeen labadii sano ee ugu dambeysay.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimada@live.com