FARMAAJO oo qoraal kasoo saaray arrintii shalay lagula kacay SHEEKH SHARIIF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa war ka soo saaray go’aankii shalay warbaahinta dowladda loogu diiday inuu ka baxo hadalkii uu kulanka baarlamaanka ka jeediyey madaxweyne hore, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed, sidoo kale Farmaajo wuxuu fariin u diray Xasan Sheekh.

Sheekh Shariif ayaa shalay kulankii baarlamaanka ka jeediyey dood adag oo uu kaga soo hor jeeday in baarlamaanku shaqada dastuurka guda-galaan, iyadoo aan laga gaarin heshiis siyaasadeed, hadalkiisana kama bixin TV-ga iyo Raadiyaha Qaranka oo toos u tebinayey doodii xildhibaanada ee ka socotay kulanka.

Farmaajo ayaa sheegay in dhacdadaan ay hor-dhac u tahay “qorshaha qarsoon iyo natiijada gurracan ee wiiqaysay midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya” isagoo Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu ka soo laabto qorshahaan uu kaligiis ku mayal-adeygayo ee dastuurka wax looga bedelayo.

Hoos ka akhriso qoraalka Farmaajo:

Codkayga waxaan ku biirinayaa siyaasiyiinta, waxgaradka iyo masuuliyiinta Soomaaliyeed ee ka dhiidhiyey is hortaagga ka dhanka ah hadaljeedintii Madaxweynihii Hore ee dalka, Xildhibaan Shariif Sheekh Axmed ee fadhigii maanta ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Tallaabooyinka dib u eegista  Dastuurka ee haatan socda oo aan awalba ahayn mid loo dhan yahay, dood bandanna ka taagan tahay habraacii lagu ansixiyey, waqti ka khataro badan intii hore lagu jiro, haddana in xildhibaannadii ka aragti dhiiban lahaa la carqaladeeyo waxay muujinaysaa qorshaha qarsoon iyo natiijada gurracan ee wiiqaysay midnimada iyo dowladnimada Soomaaliya.

Dalkeennu maanta waxa uu wajahayaa halis la xiriirta jiritaankeenna iyo qarannimadeenna, taas oo lagu wajihi karo midnimo iyo wadajir, sidaas awgeed waxaan Madaxweynaha ugu baaqayaa in uu ka soo noqda wadiiqadan khaldan,  ilaaliyana dhaxalka dowladnimada ee heshiiska lagu yahay.

Wa Billaahi Towfiiq