Farmaajo oo shaaciyey inay daneystayaal uun yihiin siyaasiyiinta Soomaaliyeed

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) oo xalay khudbad dheer ka jeediyey munaasabadda xuska 26-ka June ayaa si gaar ah ula hadlay dhalinyarada, isaga oo u jeediyey dar-daaran culus.

Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday in dhalinyarada qaar oo uu la kulmay ay u sheegeen in siyaasiyiinta Soomaaliyeed ay yihiin kuwa daneystayaal ah, wuxuuna qiray madaxweynuhu in hadalkaasi uu yahay mid dhab ah, isla-markaana ay siyaasiyiintu ka shaqeeyaan danahooda gaarka ah iyo sidoo kale tan gurigooda, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhalinyarada ii timid aad ayay noogu fogaadeen, waxay dhaheen siyaasiyiinta danaha dadka kama Shaqeeyaan ee danahooda iyo mida guryahooda ayay ka Shaqeeyaan, waxaana idin leeyahay hadalkaas waa dhab,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay u istaagaan, sida dhalinyaradii SYL oo kale oo aysan waxba ka sugun siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Madaxweynaha intaasi ku daray in haatan ay socdaal is-bedallo ay dhaq-dhaqaaqyo ay sameynayaan dhalinyarada Soomaaliyeed oo kacdoon xoogan, si hore loogu sii socdo.

“Dhalinyarada maanta waxaa ku socda isbadal maalinba maalinta ka dambeysa, waxaa socda dhaqdhaqaaq iyo kacdoon Midnimo doon ah oo xooggan oo ay wadaan dhalinyaro nooga timid waqooyiga” ayuu yiri madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday.

Hadalkani kasoo yeeray madaxweyne Farmaajo ayaa u muuqdo mid uu ku dhaleeceynayo siyaasiyiinta isaga kasoo horjeedo ee mucaaradka ah, maadaama la galayo tartan adag oo ku aadan doorashooyinka soo socda, taas oo heshiis looga gaaray magaalada Muqdisho