Wararkii ugu dambeeyey qarax maanta lala beegsaday wasiirka amniga Puntland

Qandala (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in qarax lala beegsaday gaadiid kolonyo oo ay lasocdeen Wasiirka Amniga Puntland Cabdi samed Maxamed Gallan, Taliyaha Ciidamada  Puntland Gen. Yaasiin Cumar Dheere iyo Gudoomiyaha Gobolka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan.

Qaraxa oo ahaa nooca dhulka lagu aaso ayaa Mas’uuliyiintaan lagula beegsaday degmada Qandala ee Maamulka Puntland, waxayna wafdiga ku guda jireen kormeer ka wadeen deegaanka Balli-dhidin ee degmada Qandala.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi samed Maxamed Gallan oo la hadlay Idaacadda BBC qeybta afka Soomaaliga ayaa sheegay in isaga iyo Mas’uuliyiintii la socotay ay ka badbaadeyn qaraxaas.

Wuxuu sheegay in qaraxa uu ku dhintay mid kamid ah askartii ilaalada aheyd ee la socotay halka laba kalana ay ku dhaawacmeen sida uu wasiirka xaqiijiyey.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay howlgal lagula dagaallamayo kooxda Daacish ka wadeen buuralleyda, isla markaana ay u maleynayaan in miinada ay dhulka geliyeen kooxdaas.

Ma jirto weli cid sheegatay Mas’uuliyadda qaraxa lala beegsaday kolonyada ay la socdeyn Mas’uuliyiintaan ka tirsan maamulka Puntland.

Buuralayda gobolka Bari waxaa ku xooggan dagaalyahano ka tirsan Daacish iyo Al Shabaab oo halkaasi kula dagaalamay ciidanka amaanka Puntland.