Dhallinyaro 26-ka Juun u dabaal-degeysay oo sabab yaab leh loo xiray, Boorama

Boorama (Caasimada Online) – Ciidamada booliska Somaliland ayaa maanta magaalada Boorama ee gobolka Owdal ku xirxiray dhalinyaro u dabaal degeysay munaasabadda 26-ka Juun, iyagoo weyneynayey maalintaan ku asteysan xorriyadda Soomaaliya, gaar ahaan gobollada waqooyi ee Somalilnd.

Ciidamada Somaliland kama soo hor-jeedin in loo dabaal dego maalintan, balse dhalinyarada xabsiga loo taxaabay waxay ku soo labisteen calanka buluuga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, kaas xasaasiyad uu ku qabo maamulka Somaliland, maadaama ay sameysteen calan u gaar ah.

Dhalinyaradaan ayaa si ay u muujiyaan dabaal-degooda 26-ka Juun waxay isugu tageen meelo doog leh oo banaanka ah magaalada Boorama, halkaas oo ciidamada booliska Somaliland ay uga dabateen, kadib markii ay ka war-heleen inay sitaan calanka buluugga ah ee Soomaaliya.

Sawirro iyo muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa lagu soo bandhigay dhalinyaradaas oo dusha ka saran gaadiidka booliska Somaliland oo dhex-maraya magaalada, waxaana loo gudbiyey xabsiga dhexe ee Boorama.

Somaliland marar badan ayey xabsiga dhigtay dad ku labistay calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya, balse waxaa muuqata in dhalinyarada ku nool gobollada waqooyi ee Soomaaliya ay jecelaan lahaayeen midnimo, waxayna qaar badan oo ka mid ah u safraan Muqdisho, si ay uga baxaan caburinta.

Ammaanka, kala dambeynta, ilaa xad adeegyada dowliga ah iyo dimuquraadiyadda ayaa lagu amaanaa maamulka Somaliland, intaas oo maamulkaasi uu uga horeeyo dhammaan maamullada ka arrimiya dhulka kale ee Soomaalidu ay degto, balse waxaa aad loogu dhaliilaa adkeysi la’aanta ka heysata xorriyatul qowlka, waxaana qofka muwaadinka ah xabsi loo dhigaa sanado badan hadal uu afka ka yiri, oo mararka qaar aan wadan wax ficil ah.

Hoos ka daawo warbixin uu ka diyaariyey Dalsan TV

Hoos ka eeg Sawirrada dhalinyarada la xiray