Sababta Turkey u dooratay inay Soomaaliya ka dhisto Spaceport iyo shan faa’iido oo ugu jirta Soomaaliya

Waa maxay Spaceport ama Cosmodrome?

Waa meel leh qalabka lagu gano gantaalada xambaarsan dayax-gacmeedyada (satellites). Dayax-gacmeedyada Banii Aadam ka sammaysto waxaa loogu talo galay inay baaraan cimillada adduunyada, beeraha sida ay u baxaan, macdamaysiga, gubidda geedaha iyo dabcan arrimaha ciidamada inay jaasuusaan. Waxaa kaloo loogu talo galay inay baaraan oo war ka keenaan meereeyeyaasha nagu dhow, hab-qoroxeedka (Solar system) iyo galaxy yada aan ku dhex nool nahay sida Milky Way iyo kuwa kale, sida Andromeda Nebula.

Haddaba maxaa Turkey u dooratay inay ka dhisto Spaceport waddan keena? 

Jawaabta waxay la xariirtaa farsamo. Spaceport laga sammeeyo dhulbaraha (Equator) wuxuu suurta gelinaa in xawaaraha uu kaga baxayo gantaalka sida dayax-gacmeedka uu badan yahay. Haddii spaceport laga sammeeyo meelaha ka fog dhul-baraha ee loolashooda badan yihiin (Latitude) waxaa ku baxay shidaal gaas cufan ah oo dareere laga dhigay oo aad u badan. Taas micnaheeda waa xamuul saaid ah oo shidaal ah ayuu wadaa. Waxaana loo baahan yahay xammuul yar inuu sido. Xamuul ka loo baahan yahay inuu qaado oo space ka geeyo waa dayax-gacmeedka iyo qalab kiisa. Mar allaale markaad shidaal badan qaadid, culayska ama cufka aad sare u lalin kartid waa yaraanayaa. Taasna waa khasaaro. Sidaas awgeed, Turkey waxuu rabaa inuu dhul-baraha Soomaaliya ka sammaysto. Gantaalada sida dayax-gacmeedyada way u sahlan tahay inay gaaraan majarraha ay ku wareegi lahaayeen haddii dhul-baraha laga diro. Xawaaraha wareegga dhulka wuxuu ku badan yahay aagga iyo xarriiqa dhulbaraha oo leh xawaare ama kaynaan la eg 465 m/s kaasoo yaraynaya shidaalka loo baahan yahay inay ku gaaraan majarraha (orbit) ku wareegaysan lahaayeen dayax-gacmeed yada oo 200 km ka fog dhulka, inta badan. Dayax-gacmeedyo badan ayaa dhulka ku wareegaysta oo tiradooda lagu qiyaasay 850 sannadkan 2021.

Karaarka dhulka iyo cuf-isjiid kiisa: Karaarka (acceleration) oo cuf-is-jiid ka dhulka uu keeno wuxuu ku badan yahay cirifyad Waqooyi iyo kan Koofur. Sababtana waxay tahay dhulka oo aan kubbad ahayn, oo muuqaal kiia yahay sida ukunta, oo cirifyada u dhuuban, dhexdana ka buuran. Marka aad joogtid cirifyada dhulka, masaafada ama fogaashaha ay kuu jirto bartamaha dhulka way ka yar tahay markaad Dhulbaraha (Equator) joogtid. Taas waxay keenaysaa inaad ka dirtid gantaalada sida dayax-gacmeedyada meelaha dhulka ah ee u dhow dhulbaraha. Dhinaca kale, cufka dhulka (mass) iyo cufnaan (density) giisa waxay u kordhaysaa dhanka dhul-baraha. Sidaas awgeed, markaad dhul-baraha ka dirtid gantaal, xawaaraha dhulka waa 1670 km/saac, marka la barbar dhigo inuu xawaaraha yahay 1180 km/saac. Xawaare xooggan ayuu kaga baxaa dhul-baraha.

Haddaba xaggee ku haboon? Waxaa ku habboon xarriiqa dhul-baraha meelaha uu Soomaaliya ka maro? Waa Jubbada Hoose, degmooyinka Jammaame iyo Afmadow. Haddana waxaa loo baahan yahay inuu ku dhawaado badda si qalabka marka la keenayo looga soo dejiyo dakad arrin taas loogu talo galay oo ku taalla Deemo ama Naftaaquur oo ah tuulooyin deexda Jammaame ee dhul-baraha leh. Markaan ku fiiriyay muuqaal dayax-gacmeed (satellite image) laboo bacaad waaweyn ee deexda ku yaalla ayaa ii soo muuqday. Laakiin meesha Spaceport ga laga sammaynayo waa inay u dhawaataa badda. Baaris taas ka gadaal, waxaa ii soo baxday meesha ugu mac ee ugu habboon inay tahay deexda Deemo ama Naftaaquur ee Degmada Jammaame oo hawshaas Spaceport in laga sammeeyo ku fiican. 

Meel aan meeshaas ka fogaynin ayaa waxay shirkad lagu magacaabo San Marco platform, Broglio Space Centre, Malindi, Kenya ka sammaysatay shirkad Talyaani ah 1967-1988 oo 9 jeer dayax-gacmeed ka dirtay. Dhulbaraha Brazil iyo Dhulbaraha Guyana ee Koofur Ameerika. Spaceport yada iyo Cosmodrome yada ugu caansan waa kuwan: 

1. Bairkonur Cosmodrome ee Kazakhstan ee Ruushka uu ka dirsado
2. Cape Canaveral Space Force Station, Florida, USA
3. Capustin Yar Cosmodrome, Russia
4. Kennedy Space Centre, Florida, USA
5. Jiuquan Satellite Launch Centre, China
6. Satish Dhawan Space Centre, Andhra Pradesh, India
7. Palmachim Air Force Base, Isreal
8. Tanegeshima Space Centre ee Japan
9. Imam Khomeini Space Centre ee waddanka Iran.
10. iyo kuwa kale ee ka jira Australia iyo New Zealnad

Soomaaliya maxay ka faa’idaysaa Spaceport ay Turkiga ka dhex dhistaan Soomaaliya?

a. Shaqo ayaa laga helayaa, khaasatan dhilinyarada wax baratay
b. Waddanka waa dhismayaa: dakad, jidad, dayaarad-degeen iyo dhismaha Spaceport ga. Waxaa la socda kaabayaasha dhaqaale.
c. Farsamo iyo aqoon ayaa laga baranayaa oo laga dhaxlayaa
d. Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waa sii xoogaysanayaa
e. Aagga Spaceport ga, dhulka u dhow waxaa ka abuurmayo dalxiis

W/Q: Abdulkadir Abiikar Hussein
Almaas University, Mogadishu