FARMAAJO oo shaaciyey sababta ku qasbaysa inuu xiriir la yeesho ITOOBIYA

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shaaca ka qaaday sababta ku qasbeysa inuu xiriir wanaagsan la yeesho dowladda Itoobiya.

Isaga oo la hadlayey Soomaalida Nairobi ayuu Farmaajo sheegay in nabad lala sameeyo Itoobiya ay muhiim u tahay xasiloonida Soomaaliya, la’aanteedna aysan Soomaaliya ka dhaceyn xasilooni.

Waxa uu sheegay in Soomaalida aysan waxba isku qabin, oo burburka Soomaaliya uu ka yimid dibedda, gaar ahaan markii ay dagaalameen Soomaaliya iyo Itoobiya, oo labada dhinac ay jabhado isku abuureen.

“Dhibka Soomaalida wuxuu ka imanayaa Itoobiya, waa sida beer oo kale, oo beerta marka ay biyaha ka bataan waa in laga xiraa kanaalka biyaha, ee caqli maaha in la yiraahdo kanalka biyaha ha furnaado, beerta ayaan ka dhurayaa biyaha, weligaa waad gureysaa biyaha” ayuu yiri Farmaajo.

“Kanaalkeena dhibaatada waa Itoobiya, waxaana rabnaa inaan xirno, sidaas darteed inaan la heshiino waa muhiim, haddaan la heshiin weligeen dhibaatada waan ku jiraynaa” ayuu yiri.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa aad u dhaliilay isu soo dhowaanshaha Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya, ayaga oo sheegay Itoobiya ay tahay cadow aysan ahayn in lasoo dhoweysto.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com