“Qof kasta oo Soomaali ah wuxuu sannadkii heli karaa $2,500” Farmaajo & Kheyre oo looga digay bixinta…

Naiorbi (Caasimada Online) – Siyaasiga Faarax Macallin Dawaar ayaa talo wax ku ool ah u diray Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku saabsan Kheyraadka Badda ee dalka.

Faarax Macallin waxa uu madaxda dalka uga sarreysa u sheegay in ay ka faa’ideystaan kalluunka Soomaaliya oo ay sameystaan ciidamo ilaaliya badda.

Talada siyaasiga reer Kenya ayaa ku soo aadday xilli Madaxweyne Farmaajo iyo xubno ka mid ah golaha wasiirada ee xukumadda ay Nairobi uga qeybgaleen shirka loo yaqaan Blue Economy oo ay madax badan isugu yimaadeen.

Faarax Macallin waxa uu yiri: “Shirka Blue Economy-ga oo kaliya, lacagta sanadkii qofka Soomaaliga cel celis ahaan u soo gashaa waxa ay noqon kartaa $2,500 oo Dollar taas oo sii laba laabmi karta 15-ka sano ee soo socda. Ma aha in ay siiyaan shatiyada/xuquuqda kalluumeysiga shirkada shisheeye. Farmaajo/Kheyre fadlan horumariya waaxdaas oo ciidamo aad leedihiin ku ilaaliya xeebta.”

Xilli aysan wali dowladda u soo jeesan waaxda beeraha maadama ay amni darro ka jirto labada shabeelle hadana Kalluumeysiga waxaa loo arkaa ilaha dhaqaale ee dalka ugu saameynta badan mustaqbalka dhaw.

Wasaaradda Kalluumeysiga ayaa la filayaa in ay dhawaan ku dhawaaqdo shatiyo ay siin doonto shirkado caalami ah.

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com