Ciidamada Somaliland ee Tukaraq oo Puntland looga goostay gaari gaashaaman

Sool (Caasimada Online) – Gaadhi gaashaaman ayaa lagala goostay ciidamada qaranka Somaliland ee jiida Tuka-raq gaar ahaan guutada koowaad.

Gaadhigan oo uu saarnaa qori Dhashiike ah ayaa ahaa Haadhtoob ( LANDCRUISER  4.5)waxaana la baxsaday darawalkii waday, sida ay ku waramayaan wararku sheegayaan, darawalkan gaadhiga la baxsaday ayaa magaciisa lagu sheegay Ismaacil Maxamed Yogol  (Budul) oo Hargeysa ka soo jeeda.

Waxaana fiidkii xalay tilifishanka maamul gobaleedka Puntland ka soo muuqday gaadhigan gaashaaman iyo askarigii darawalka ahaa oo qori ku gaashaaman kaas oo baabuurka barbar taagnaa.

Sarkaal ka tirsan ciidanka maamul gobaleedka Puntland Ismaacil Warsame ayaa ka hadlay gaadhiga iyo askariga ula yimi “Waxa halkan noogu yimi gaadhi waraaj ah oo uu wato hal sarkaal oo ciimada jiida hore ee Somaliland fadhiya,waxaanu usheegaynaa qolada ka sokaysa iyo kuwa ka shisheeyaba in wax natiijo ah aanay jirin, ninkaasina uu kaligii gaadhiga watay.”

Waxa ay wararku intaas ku darayaan in gaadhigan gaashaaman darawalkii waday inuu yahay ninkan la galay maamul gobaleedka Puntland, waxaana baxsigani uu ugu suurto galay kadib marii si qorshaysan uu ula dhuuntay xiligii duhurka oo inta badan ee ciidanku ay ahaayeen kuwo   nasasho ku jiray.

Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa jiida hore ee Tukraq ay isku hor fadhiyaan ciidamada maamul gobaleedka Puntland oo dhawar jeer oo hore uu  dagaal ku dhex maray sandkan jiidaas, dagaaladaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac badan oo labada dhinacba ah.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com