FARMAAJO oo shir isugu yeeray madax goboleedyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, shirkaasi oo furmi doona magaalada Muqdisho, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Shirkan ayaa la filayaa in lagu saxiixo heshiis kama dambeys ah oo laga gaaro arrimaha doorashada, kadib markii guddigii farsamo ee ku shira Baydhaba ay heshiis ka gaareen qodobadkii la isku hayey. Hoos ka aqriso qoraalka kasoo baxay Villa Somalia.

Madaxweyne Farmaajo oo shir isugu yeeray Madaxda Dowladda Federaalka,  Dowlad Goboleedyada iyo G/ Banaadir

Muqdisho, Febaraayo 17, 2021; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi  Farmaajo oo mudnaanta siinaya dhaqan gelinta Heshiiskii 17-kii Sebteembar ee doorashooyinka dalka iyo si ambaqaadida talooyinka iyo xalka ay soo gudbiyeen Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku shiray Baydhabo intii u dhaxaysay 14-16kii bishan Febaraayo waxaa uu soo saaray go’aanadan:

1- Madaxweynuhu waxa uu shir iskugu yeerayaa Madaxda Dowlad Goboleedyadda dalka iyo Gobolka Banaadir.

2- Shirkaas waxaa lagu qabanayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka.

3- Shirkan wadatashiga ah waxaa uu socon doonaa inta u dhaxaysa 18-19 bishan Febraayo 2021.

4- Shirkan wadatashiga ah waxaa saldhig u ah talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka ee ku aaddanayd dhaqan-gelinta heshiiskii 17-ka Sebteembar 2020 laga gaaray hannaanka doorashooyinka, ayna meelmariyeen Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay bogaadinaysaa dadaalka ay bixiyeen Xubnaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed ee Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka oo Magaalada Baydhabo ku lafa guray caqabadaha fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar, dhabbaha u xaaray qabsoomidda doorasho ka tarjumeysa hor u socodka dimuqraadiyadeed ee dalka.

DHAMMAAD