Midowga Musharraxiinta mucaaradka oo la kulmaya beesha caalamka + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan warar soo baxaya xubaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay kulan gaar ah la yeeshaan wakiilada beesha caalamka ee fadhigoodu yahay Muqdisho.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa lagu soo warramayaa inuu ku qabsoomayo Aalada Fogaan Aragka ee (ZOOMKA), iyada oo diiradda lagu saarayo xaaladda cakiran ee dalka.

Wararka ayaa sheegaya in labada dhinac ay ka wada arrinsan doonaan xaaladda kala guurka iyo is mari-waaga weli ka taagan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa qorsheynaya in beesha caalamka ay la wadaagaan aragtidooda ku aadan xaaladda dalka uu marayo, gaar ahaan sida loo wajahayo, maadaama uu dhammaaday muddo xileedka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Beesha caalamka oo wada dadaallo xoogan oo la’isugu soo dhoweynayo dhinacyada doorashada ayaa horey cadaadis u saartay xubnaha midowga musharraxiinta.

Si kastaba kulankan ayaa wuxuu kusoo aadayaa, iyada oo mucaaradka ay magaalada Muqdisho ka abaabulayaan dibad-bax weyn oo looga soo horjeedo madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).