Xog: 5 wasaarad iyo xafiisyo ka mid ah DF oo loo xiray xog cabsi leh oo la helay

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay fasaxday shaqaalaha ugu yaraan 5 wasaaradood iyo xarumo kale oo ku yaalla aagga KM4, Zoobe iyo Isgoyska Banaadir, kadib markii ay dareemeen cabsi amni.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in wasiirada wasaaradahaas iyo madaxda xarumaha kale ee aagaas ku yaala loo sheegay in ay shaqaalaha fasaxaan ilaa amar dambe, sidoo kalane ay wasiirada yareeyaan tagista xafiisyada, haddii laga maarmi karana aan la tagin ilaa war sugan ay helayaan.

Wasaaradaha qaar waxaa loo reebay shaqaale kooban oo muhiim u ah shaqada, kuwaas oo waqti kooban shaqeyn doono, sida ay sheegeen xubnaha aan la hadalnay.

Wasaaradaha shaqaalahooda la fasaxay ayaa kala ah, Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ku taala Isgoyska Banaadir, Wasaaradda Qorsheynta oo u dhow Zoobe, Wasaaradda Waxbarashada oo ku taala Zoobe, Wasaaradda beeraha oo ku taala agagaarka CID-da, Wasaaradda Gargaarka iyo Maareenta Musiibooyinka qeybta gurmadka deg dega ah oo ku taala Harkaha iyo Saamaha kuna dhow CID, balse si ku meel gaar ah shaqadeeda loo raray Xalane iyo xafiisyo kale oo muhiim ah.

Ilo sirdoon ayaa wasiirada iyo masuuliyiinta wasaaradaha u sheegay in la helay xog timaameysa in Al-Shabaab ay qorsheeyeen weeraro lagu galo xarumahaas, sidaas darteedna la fasaxayo shaqaalaha dowladda. 

Dadka aan la hadalnay ayaa noo sheegay in xogtaan aan lala wadaagin shaqaalaha balse macno kale loo yeelay fasaxooda, halka kuwa aan laga maarmin ee ilaa hadda jooga aysan ogeyn cabsida amni ee loo fasaxay saaxiibadood. 

Al-Shabaab ayaa kordhiyay maalmihii la soo dhaafay dilalka iyo qaraxyada ay ka fulinayaan Muqdisho, iyadoo sidoo kale ay bateen digniinaha ka imaanaya hay’adaha ajnabiga ah ee dagan Xalane.