Xog: Magacyada haweenkii lagu dilay Muqdisho iyo qorshe halis ah oo Jeneral Odowaa lala damacsanaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay xaqiijinayaan warbixino hordhac ah, gabdhihii dhowaan lagu dilay degmada Daynille, waxay shaqaale ka ahaayeen xafiiska taliyaha ciidanka xoogga Soomaaliya Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, waxeyna shaqadooda aheyd nadaafad iyo cunto karin. 

Magacyada Gabdhaha ayaa lagu sheegay, Fartuun Xuseen Xasan iyo Muno Xuseen Xasan oo walaalo iyo dumaashidood Faadumo Sheekh Nuur. Laba k amid ah Haweenka la dilay waxay ahaayeen xaamilo, waxaana sida xogta lagu helay dilkooda ka dambeeyay Al-Shabaab.

dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay toogasho ku dileen gabdhaaan oo mudooyinkii ugu dambeeyay sheeganayay cabsi amni. Ragga wax dilay ayaa la sheegay in ay wateen Mooto Bajaaj kadibna ay ku baxsadeen. 

Ilo kamid ah kuwa ammaanka ayaa sheegay in ay gabdhaha mid kamid ah ay hore u sheegtay in laba wiil iyo gabar kale ay ku cadaadiyeen in adeega lagu kariyo cuntada wasaaradda gaar ahaan xafiiska taliyaha ay ka iibsato dibada gaar ahaan goobo ganacsi oo si gaar ah loogu tilmaamay. 

Allah ha naxariistee gabadha geeriyootay warkeeda ayaa la sheegay in aysan shareysan iyada iyo dadkii ay la wadaagtay oo ahaa ciidan iyo shaqaale hoosaad, balse geeridooda kadib uu soo baxay tuhun ah in la damacsanaa in sun lagu dilo taliyaha xoogga iyo dadka isticmaala kushiinkaas. 

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa Caasimada Online u sheegay in ay wali wadaan baaritaan dhab ah, islamarkaana ay soo bixi doonaan dadkii lugta lahaa dil wadareedka haweenkaan oo aad looga dareemay Muqdisho.