ERDOGAN oo shaaca ka qaaday koox argagixiso ah oo Mareykanku taageero

Ankara (Caasimada Online) – Turkiga ayaa u yeeray safiirka Mareykanka u fadhiyo Ankara kadib caro ka dhalatay hadal kasoo baxay Mareykanka oo ku saabsanaa dilka 13 qof oo u dhashay dalkaas oo u afduubnaa maleeshiyaadka PKK ee ka dagaallama halkaas.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku eedeeyay Mareykanka in uu taageerayo argagixisada isla markaana uu garab siinayo maleeshiyaadka Kurdiyiinta.

Turkiga wuxuu ku eedeeyay dilka 13 qof inay ka dambeeyeen kooxda PKK.

Mareykanka wuxuu sheegay in uu cambaareynayo dilka waa haddii la xaqiijiyo in kooxda PKK ay ka dambeysay dilkaas.

Erdogan wuxuu ku tilmaamay hadalka Mareykanka ‘mid jees jees ah’.

In ka badan 700 qof ayaa lagu xiray guud ahaan Turkiga kadib markii dowladda ay qaaday howlgal ka dhan ah kooxda PKK oo lagu tuhmayo dilka.

Turkiga wuxuu sheegay in 13 qof laga helay god ku yaalla gobolka buuraleyda ah ee waqooyiga dalka Ciraaq ka dib hawlgal ka dhan ah kooxda Kurdiyiinta ee PKK oo ay halkaa ka fuliyeen.

Wasiirka gaashaandhigga ee Turkiga, Hulusi Akar ayaa shaley sheegay in dhammaan maydadka la helay mid mooyaane inta kale ay madaxa kaga taallo rasaas taasoo muujineysa dil toogasho ah oo dadkaas loo gaystay.

Illo dhanka ammaanka ah ayaa laga soo xigtay in dadka dhintay ay ku jiraan sirddoonka Turkiga, militariga, iyo booliska.

PKK ayaa Websit ay leeyihiin waxaa ay si fudud ugu sheegteen in maxaabiista qaar ay ku dhinteen intii ay socdeen isku dhacyadii ay la galeen ciidamada Turkiga.

Mr Akar wuxuu sheegay in afartan iyo sideed dagaal yahan la dilay intii uu socday howlgal qaatay afar maalmood.

Isha: BBC SOMALI