Muxuu Beyle kala hadlay saraakiisha ciidanka Xoogga?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay saraakiisha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, kaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah.

Kulanka oo saacado badan qaatay ayaa waxaa goobjoog ahaa taliyaha ciidamada Xoogga Odowaa Yuusuf Raage iyo wasiirka gaashaandhgga Xasan Xuseen Xaaji.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa lagu soo qaaday arrimaha ciidamada iyo sidii loo kordhin lahaa miisaaniyadooda.

Wasiir Beyle oo qoraal kooban soo saaray ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadda Soomaaliya ay garab-istaagi doonto ciidamada qaranka ee u taagan difaaca dalka.

“Waxaan ka wada hadalnay Miisaaniyadda ciidamada iyo sidii loo horumarin lahaa. Muhiimdeena 1aad waa in aan taageernaa ciidamadeena geesiyada ah ee u taagan har iyo habeen difaaca Dalka iyo badbaadada shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Beyle.

Soomaaliya ayaa sanadihii u dambeeyey ku dadaaleysay dib u dhiska ciidamada iyo tababaradooda, waxaana door muuqa ka qaata dalalka Turkiga, Qatar & Eritrea.