Daahir Geelle oo sheegay 3 su’aal oo jawaab u baahan si doorasho loo aado 

Muqdisho (Caasimadda Online) – Musharaxa madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in saddex su’aalood hadii jawaab loo helo la ogaan doono sida ay noqon karto xaaladda Soomaaliya.

Daahir wuxuu sii hayaha madaxweynaha Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ku sheegay mid aan ku baraarugsaneen diidmada uu ka sameynaayo inuu si nabad ah ku wareejiyo xilka ay hoos u dhigeyso kalsoonida ay beesha caalamka ku qabi karto Soomaaliya.

Musharaxa madaxweyne oo la hadlayay TV-ga Goobjoog ee Muqdisho ayaa sheegay in Farmaajo uusan kala garan karin in la doortay iyo in la duubay.

“Madaxweynaha xilka waa uu ka dhamaadey mana la cusbooneysiinin, xilkana hadii uu dhamaado hadii lasii joogi karo oo isku awood la yahay in la is doorto muhiim maba ahayn. Waxaa iska dhex-gashan oo iska dhex-gashay in la doortey iyo in la duubay,” ayuu yiri Daahi Maamuud Gelle.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yiri: “Soomaalida dhaqanka markay duubato muddo uma qabato laakiin laakiin dowlad markay doorato muddo ayay u qabataa. Labadaa ayaa isku qaldan midaas ayayna dowladdeena dhexda ka fadhisaa”

Daahir Maxamuud Geelle wuxuu aaminsan yahay in hadii si dhaqso leh loo aado doorashada uu imaan karo xal, sidoo kale wuxuu sheegay in saddex su’aalood ay ku hoos jirto xaaladda Soomaaliya.

“Saddexda arrimood ayaa muhiim ah xilliga soo socda. Shirka yaa ka qeybgalaya? Waa muhiim. Maxay tahay in ay kasoo baxaan? Waa muhiim. Wixii kasoo baxa yaa fulinaya? Waa muhiim” ayuu mar kale yiri Gelle.

Musharaxa wuxuu doonayaa in saamileyda siyaasadda oo lagu sheego bulshada rayidka iyo mucaaradka ay ka qeyb galaan shirka, sidoo kalana la helo jadwal cad oo ku saabsan doorashada.

Ugu dambeyntii wuxuu shaaca ka qaaday in Farmaajo uu ugu talagalay inuu dagaal ka dhex dhaliyo Galmudug iyo Puntland, ayna daliil u tahay sababta iyadoo Dhuusamareeb la isku mari waayay uu gogosha u dhigay Garowe.