Jubbaland oo kordhisay howl-gallada KISMAAYO

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada Jubbaland ay kordhiyeen howl-gallada laga sugayo amniga ee ay ka wadaan gudaha magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulkasi.

Ciidamada ayaa howl-galladooda kusoo qab-qabtay tiro dhalinyaro ah, kadib markii ay gudaha u galeen xaafado ka tirsan magaaladaasi.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamadu ay sii daayeen qaar ka mid ah dhalinyarada, kuwa kalena ay ay gudbiyeen saldhigga, ka gadaal markii looga shakiyey inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab.

Sidoo kale ciidamada ayaa lagu soo warramayaa inay fariisimo hor leh ay ka sameysteen xaafado ka tirsan magaalada Kismaayo, si loola socda dhaq-dhaqaaq dadka & gaadiidka.

Saraakiisha ammaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu baaqay shacabka inay is-dajiyaan, sidoo kalena ay la shaqeeyaan ciidamada Booliiska.

Muddooyinkii lasoo dhaafay ayaa waxaa magaallo xeebeedka Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ka dhacayey falal liddi ku ah ammaanka, kuwaas oo u badan dilal qorsheysan iyo weeraro loo adeegsaday bam-gacmeedyo, kuwaas oo dhaliyey khasaare kala duwan