Ra’iisul Wasaare Rooble oo sagootiyay BEN FENDER

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha xilka sii-haya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya, Amb. Ben Fender oo dhawaan laga bedelay xilka Soomaaliya.

Kulanka ayaa looga hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga labada dhinac, kaasi oo uu qeyb weyn kasoo qaatay Amb. Ben Fender.

Rooble ayaa intii uu kulanka socday uga mahad-celiyay Amb, Ben Fender kaalinta muga leh ee uu ka qaatay xiriirka labada dal, isagoona u rajeeyay mustaqbal wanaagsan, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha.

Sidoo kale Ben Fender ayaa isaguna dhinaciisa si weyn uga mahad-celiyay sida loogu soo dhaweeyay dalka iyo sida loogu fududeeyay inuu guto howlihiisa, xili uu ku jiro maalmihiisi u dambeeyay ee Soomaaliya, maadama ay dhamaatay muddo xileedkisii shaqada

Ra’iisal Wasaaraha xilka sii-haya ayaa markii uu kulanka soo dhamaaday Safiirka ku macasalaameyay Dharka dhaqanka Soomaalida iyo Abaalmarino kale oo ugu muujinayay sida ay dowladda federaalka uga mahad-celinayso dadaalkiisa intii uu joogay dalka.

Kulankaan oo ahaa mid sagootin ayaa waxa uu imanaya xili uu dhamaaday muddo xileedkisii shaqada, waxaana dalka loo soo magacaabay bilowgii sanadkii 2019-kii, oo xiligaas uu bedelay Mr. David Concar.