Farmaajo oo ugu dambeyn saxiixay sharci muhiim ah oo 10 bilood hor-yaallay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta saxiixay sharciga dhismaha guddiyada la dagaalanka musuq-maasuqa ee labada heer.

Sharcigaan oo soo maray marxalado kala duwan ayaa ugu danbayn maanta oo Sabti ah ugu danbayn lagu saxiixay munaasabad ka dhacday madaxtooyada Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya oo khudbad ka jeediyay munaasabadda lagu saxiixay Sharciga ayaa sheegay in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay dadaal badan ku bixin doonto la dagaalanka musuq-maasuqa.

Madaxweynaha waxaa uu ugu baaqay dhammaan shacabka Soomaaliyeed kala shaqeynta in lasoo afjaro musuq-maasuqa.

Sharcigan ayuu golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ansixiyey December 5, 2018, waxaan ansixiyay dhammaan sanatarda soo xaadiray kulanka oo ahaa 31 senator.

Sharcigan oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya ayaan la ogeyn waxa uu madaxweynaha u heystay muddo 10 bil iyo sababta hadda uu ugu soo beegay, isaga oo saacadaha soo socda u duulaya New York, si uu halkaasi uga jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaaladda Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com