29.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Farmaajo oo wadanka ka dhoofay markii afaraad tan iyo markii la doortay!

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde International Aiport, wuxuna safarkaan noqonayaa midkii afaraad tan iyo markii loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna safarkaas ku wajahay Isutagga Imaaraadka Carabta .

Inkastoo aysan dowladda si rasmi ah u faahfaahin ujeedka safarkaan haddana waxaa la rumeysan yahay in booqashadiisa auy ku saabsan tahay sidii uu Imaaraadka Carabta ugala hadli lahaa heshiiska ay la gashay Somaliland oo ay Saldhig Militari uga dhisaneyso Magaalada Berbera oo ah meel istaraatiiji ah oo ka tirsan Soomaaliya.

Labada dowladood ayaa waxaa la filayaa inay dhex dhexaadin doonto dowlada Sacuudiga oo markii horeba dacwadda dowladda Soomaaliya u gudbisay Imaaradka Carabta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu Imaaraadka Carabta kala hadli doono sababta keentay inay xiriir toos ah la sameysato maamul Goboleedyada dalka waana midda keentay inuu xumaado xiriirka labada dowladood.

Ujeedka ugu weyn ee safarkaan ayaa ah sidii Imaaraadka loogala hadli lahaa saldhigga ay Berbera ka dhisaneyso oo ah mid sharci darro ah marka loo fiiriyo sharciyada Caalamiga ah maadaama ay Berbera ka mid tahay dhulka Soomaaliyeed.

Safarkaan ayaa kusoo aaday xilli uu Baarlamaanka Soomaaliya hor yaal mooshin ku aadan heshiiska Berbera, sidoo kalana wuxuu kusoo aadayaa xilli laba maalin laga joogo heshiiskii dhex maray Puntland Imaaraadka ee lagu siiyey Dakadda Berbera.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News