Farmaajo oo wafdi horudhac ah u dirsaday magaalada London (Yaa kamid ah?)

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa mar kale xulay Wafdi hordhac u ah Madaxda Qaranka kuwaa oo gaaray magaalada London oo la filaayo inuu ka furmi doono shirka Soomaalida.

Wafdigaani hordhaca ah ayaa waxaa lagu xulay rabitaanka Madaxweyne Farmaajo, waxaana la sheegay inuu hogaaminaayo Madaxa Qaban qaabada shirka London ee DFS C/raxmaan Ceynte ahna La Taliyaha Madaxweynaha.

C/raxmaan Ceynte, ayaa sheegay in Wafdiga xulka ah uu kasii shaqeyn doono dhameystirka qaban qaabada shirka London, waxa uuna tilmaamay in shirka ay kasoo qeybgali doonaan madax heer caalami ah, kuwaa oo goobjoog ka noqon doona waxa ay ku heshiin doonaan Soomaalida.

Mar uu C/raxmaan Ceynte u waramaayay Telefishinka SNTV xaruntiisa London ayaa waxa uu sheegay in socdaalkooda magaalada London uu yahay mid hordhac u ah wafdiga Madaxweynaha ee ka qeybgalaaya shirka London.

Waxa uu Ceynte sheegay inay usii gogol xaarayn Madaxweynaha iyo wafdigiisa, waxa uuna sidoo kale sheegay in mudada ka harsan shirka ay magaalada London kasii wadi doonaan dhameystirka qabanqaabada shirka.

Ceynte waxaa uu sheegay in qaban qaabada shirka ay soo wadeen 3dii bilood ee u dambeeyay, isla markaana qorshaha yahay sidii DFS shirka London ula tagi laheyd hadaf mideysan oo la taaban karo.

Waxa uu intaa raaciyay in shirka uu Saldhig u noqon doono afar ajande oo kala ah:

1-Amniga

2-Kobcinta iyo dib u soo nooleynta dhaqaalaha

3-Siyaasada iy dib u eegista dastuurka

4-Qaabka wada shaqeyneyd ee Soomaaliya iyo Beesha Caalamka.

Shirka ayaa waxaa isla daadihin doona Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey.

Dhinaca kale, Shirka ayaa furmi doona 11-ka bishan waxaana Ajandayaasha si rasmi ah loogu guda gali doonaa 12 bisha, iyadoo ay Shirka goobjoog ka noqon doonaan Madax heer caalami ah oo lagu casuumay.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET