Farmaajo oo weerar culus ku qaaday Somaliland: Waxa ay laayeen birimageydo

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa war xasaasi ah kasoo saaray xaaladda ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, isaga oo weerar toos ah ku qaaday Somaliland.

Farmaajo ayaa ku eedeeyay ciidamada Somaliland in dad shacab ah oo birimageydo ah ay ku laayeen gudaha magaaladaasi, kadib rabshadihii ka dhacay halkaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu murugada la qabsanayo dhibanayaasha, wuxuuna dhanka kale dadka dhintay u rajeeyay inuu Eebbe ka waraabiyo Jannadii Firdowsa.

“Waxaan murugada la qaybsanayaa ehelada iyo qaraabada dadkii birimageydada ahaa ee ciidanka Somaliland ay ku laayeen magaalada Laascaanood ee gobolka Sool, anigoo Alle u weydiinaya in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa,” ayuu yiri Maxamed Farmaajo.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sidoo kale ugu baaqay Somaliland inay joojiso tacaddiyada ka dhanka ah shacabka, isla-markaana la ilaaliso xasiloonida deegaanka.

“Dadka ku dhaqan magaalada Laascaanood, reer Sool iyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed maanta ma xamili karaan colaad iyo dhibaato hor leh, sidaas awgeed waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah loo joojiyo tacaddiyada ka dhanka ah shacabka iyo wax kasta oo caqabad ku noqon kara xasilloonida iyo nabadda deegaanka,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Farmaajo.

Ugu dambeyn wuxuu farriin u diray waxgaradkaa Soomaaliyeed, isaga oo ka dalbaday inay u istaagaan xal u helidda dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

“Waxaan Eebbe caafimaad u weydiinayaa dhammaan dadkii dhaawacyadu ay soo gaareen, aniga oo rajaynaya in waxgaradka iyo haldoorka Soomaaliyeed ay u istaagaan xal u helidda dhibaatada ka taagan gobolka Sool,” ayuu markale yiri madaxweynihii hore ee dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, ayada oo weli ay xalad adag ka jirto gudaha magaalada Laascaanood, taas oo si weyn loogu dhaleeceeyay hoggaanka sare ee Somaliland, maadaama dad badan oo shacab ah ay dileen ciidamada inta ay u socdeen dibad-baxyada.