MAAREEYE oo gacmo aan Somaliland aheyn la xiriiriyey DILALKA Laascaanood

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa markii u horeysay ka hadlay rabshadaha maalmihii u dambeeyay ka socday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Xildhibaan Maareeye ayaa ugu horeyntii ka tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay rabshadaha ka socda Laascaanood, wuxuuna Somaliland ugu baaqay in sida ugu dhaqsaha badan ay wax uga qabato arrinta taagan.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dilka Haldoorka ee uu ka bilowday kacdoonka Laascaanood aysan geysan Somaliland, maadama dadka la dilay ay u badnaayeen kuwo taageersan maamulkooda.

“Gacmo shisheeye in ay ku jiraan ayaan aaminsanahay dilalka Laascaanood waayo waxa la dilayo waa kuwii taageersanaa Somaliland. Warqadii kasoo baxdey Xildhibaanada Puntland waxaa ku jirtey qodob ah in ciidamada Puntland iyo dadka ha u gurmadaan dadka Sool, arrintaas ma qabato mansabkooda.”

Waxa uu sii raaciyay hadalkiisa “Waxay abuurayaan in soddan sanno kadib in waji qabiil loo yeelo. In wiil Soomaaliyeed uu saacadaan nagaga dhinto dagaal qabiil ma qalanto. Waa in aan xal ka gaarno oo walaaladay ugu baaqay.”

Maareeye ayaa ugu baaqay guddoonka Baarlamaanka iyo Golaha inay soo saaran bayaan ay ku dalbanayaan in si degdeg ah lagu joojiyo dagaalka, islamarkaana ay ka heshiiyaan dhinacyada isku haya gobolkaasi.

Arrinta Laascaanood ayaa cirka isku sii shareertay, waxaana korortay dhimashada ka dhalatay dibad-baxyadii magaaladaas, kadib rasaas ay adeegsadeen ciidanka Somaliland.

Si kastaba, xaaladda ayaa weli ah mid cakiran, waxaana rabshada haatan ka socdo Laascaanood ay ka dhasheen dilalka qorsheysan ee inta badan ka dhaca gudaha magaaladaasi.