Mareykanka oo war kasoo saaray xiisadda Laascaanood

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Maraykanka ayaa ka hadashay dhibaatada haatan ka taagan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaasi oo maalmihii dambe ka dhacayeen rabshado xoogan.

Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ayaa waxa lagu sheegay in Mareykanka uu codkiisa ku biirinayo dadka ku baaqaya in xaaladda la dejiyo.

“Wararka ku saabsan rabshadaha Laascaanood, waxaan codkeena ku biirinaynaa dadka ku baaqaya in xaaladda la dejiyo,” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.

Waxa kale oo lagu yiri qoraalka Safaaradda “Nabadda iyo kala dambaynta waa in la ilaaliyo, lagana dhowrsado dagaal lagu waxyeeleynayo shacabka iyo burburinta hantida.”

Qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xili maalintii shanaad ee xiriir ah ay dibadbaxyo xoggan ay ka socdaan ,agaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Rabshadahaan ayaa ka dhashay dilkii habeenkii Isniinta magaaladaasi loogu gaystay Cabdifitaax Cabdullaahi Cabdi (Hadraawi) oo ka mid ahaa dhallinyarada deegaanka ee siyaasadda ka muuqday, xubina ka ahaa xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani.

Madaxda ugu sarreysa dalka, madaxweynayaal hore, siyaasiyiin iyo qaar kamid ah dalalka beesha caalamka ayaa saacadihii lasoo dhaafay ku baaqayay in la joojiyo dilalka ka socda gobolka Sool, iyaga oo ka codsaday maamulka Somaliland inay ilaaliyaan dareenka iyo badqabka bulshada Laascaanood.