Farmaajo oo xilka ka qaaday xeer-ilaaliyihii qaranka, mid cusubna magacaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, waxa uuna xil ka qaadis ku sameeyay Xeer Ilaaliyihii Guud ee hore Mudane Axmed Cali Daahir.

Qoraal kasoo baxay Villa Somalia ayaa lagu sheegay in magacaabistan ay ku timid soojeedintii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed, baahida loo qabo in la dardargeliyo hawlaha dib u habeynta garsoorka iyo xaqiijinta hannaan cadaaladeed oo hufan oo ka dhaqangala guud ahaan dalka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa faray xukuumadda, una jeediyay Hay’adaha Sharci-dejinta in ay soo dhameystiraan Golaha Adeegga Garsoorka, lana waafajiyo Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo Xeerarka khuseeya dhismaha Golahan, si loo dhammeystiro dib u habeynta garsoorka iyo hannaanka cadaaladeed ee dalka.

“Madaxweynaha ayaa kula dardaarmaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee la magacaabay in uu waajibaadkiisa shaqo u guto si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla, uuna shacabka Soomaaliyeed ugu adeego si hufan oo caddaaladi ku dheehantahay.” Ayaa lagu yiri qoraalka Villa Somalia.

Axmed Cali Daahir ayaa ka mid ahaa saraakiisha dowladda ee hoggaanka u ahaa sharciyaqaanada Soomaaliya ee ku lugta leh kiiska ay Soomaaliya baddeeda uga difaacaneyso Kenya ee horyaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda (ICJ).