NISA oo beenisay inay xildhibaan Daleys u diiday inay ka baxdo garoonka diyaaradaha Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa beenisay inay xildhibaan Daleys Xasan Aadan oo ka tirsan golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ka hor istaagay inay ka dhoofto garoonka Aadan cadde.

Xildhibaanka oo maanta ka hor hadashay golaha shacabka ayaa tiri “ Waxaan fasax geystay guddoonka shalay in aan muddo 10 casho ah ku maqnaado deegaan doorashadeyda degmada Luuq-ganaane, Tikit ayaan goostay, waxaa la iigu yiri hal saac iyo bar subaxnimo  soo gal saaka ayaan tagay,  hadda oo la marayo shan saac iyo bar ayaa la iigu yiri ma bixi kartid, kama bixi kartid Airportiga waxaa ku heysato hey’adda nabad sugidda ee NISA, dambiga aan galay iyo kiiska aan ku bixi karin waxaa rabaa guddoonka la hor keeno, oo la galo”.

Hase yeeshee Caasimada Online oo la xiriirtay hay’adda, ayaa sarkaal oo sare oo ka tirsan waxa uu sheegay inuusan jirin wax amar ah oo hay’adda ay u gudbisay maamulka garoonka oo ay ku hor-istaagtay xildhibaanka.

“Hal qof oo ka tirsan NISA lama uusan hadlin, maalmahan wax kasta oo dhacaba NISA ayaa lagu eedeeyaa,” ayuu yiri sarkaalka la hadlay Caasimada Online.

Waxa uu sheegay in xildhibaanka laga doonayo inay soo gudbiso caddeyn muujineysa inay NISA celisay.

“Haddii maamulka garoonka u sheegeen in NISA is hor-taagtay, waxaa laga doonayaa inay maamulka weydiiso caddeyntaas ama amar qoran. Mana jirto arrintaas.” Ayuu yiri.

Caasimada Online ayaa sidoo kale la xiriirtay maamulka garoonka, si ay wax uga weydiiso dhacdadan. Hase yeeshee weli uma suurta-galin inay hesho maamulka.

Gobolka Gedo ayaa waxaa ka taagan xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysa dowladda iyo maamulka Jubaland. Xildhibaan Daleys ayaa lagu tiriyaa xildhibaanada aanay isku fikirka ahayn xukuumadda.