Dhageyso: Cod si sir looga duubay Farmaajo oo la hadlaya culimada Suufida

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay cod laga duubay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la hadlaya culimada suufida ee magaalada Muqdisho, xilli ay taagneyd xiisadda u dhaxeysay ayaga iyo Sheekh Maxamed Cabdi Umal.

Madaxweynaha ayaa codkan ku sheegay in dowladda ay joojisay muxaadaradii uu Sheekh Umal ku qaban lahaa magaalada Muqdisho kadib markii culimada ay ka hor-yimaadaan.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in xilli ay kulan lahaayeen culimada Suufida uu wasiiru dowlaha madaxtooyada Cabdulqaadir Baghdadi oo Suufida ka mid ah uu qadka taleefonka soo geliyey madaxweynaha.

“Markii aan xaaladda aragnay waxaan isku qancinay in berri la baajiyo muxaadarada isbartiibada.” Ayuu yiri madaxweyne Farmaajo, waxaana kadib xigay culimada Suufida oo dhahaya “Allahu Akbar.”

Madaxweynaha ayaa codka ku sheegaya in dowladda ay ku qasban tahay inay amniga ilaaliso, sidaas darteedna uusan dooneyn isku dhac ka dhaca garoonka oo dad badan ay ku waxyeeloobaan.

Sida ku cad codka madaxweynaha laga duubay ee ay Caasimada Online heshay, madaxweynaha ayaa leh “waan aqbalay codsiga” oo macnaheedu in dalabka joojinta muxaadarada uu markii hore uga yimid dhanka culimada.

Codka laga duubay madaxweynaha ayaa khilaafaya adalkii Sheekh Umal uu shalay sheegay iyo kii hore ee wasaaradda awqaafta ee ahaa in muxaadarada lagu joojiyey codsi ka yimid Sheekh Umal. Lama yaqaan cidda saxan.

Hoos ka dhageyso codka madaxweynaha