Cabdullaahi Sheekh Xasan: Farmaajo wuxuu si cad iigu sheegay nooca doorashada dalka ka dhaceysa 2020

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimoqraadiyada Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa faahfaahin ka bixiyey qodobadii ay ku heshiiyeen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo qaar ka mid ah Xisbiyada dalka ka jiro kadib kulan 23 Bishaan ka dhacay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa sheegay in muddooyinkii ugu dambeeyey ay jireen walaac ku aadan inay dowladda hadda talada heyso sameysan doonto waqti kororsi iyo nooca ay noqon doonto doorashada dhici doonto, wuxuuna tilmaamay inay iyadoo taas laga jawaabayo uu madaxweynaha casuumaad usoo diray.

Madaxweyne Farmaajo ayuu tilmaamay inuu si cad ugu sheegay inaysan dhici doonin inay dowladda sameysato waqti kororsi.

Sidoo kala wuxuu sheegay inuu madaxweynaha u sheegay inay dalka ka dhici doonto doorasho qof iyo cod ah sida uu qabo Dastuurka.

Guddoomiye Cabdullaahi ayaa sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed u sheegayo inay u diyaar garoobaan doorasho qof iyo cod ah si ay u doortaan cid kasta oo ay u arkaan inuu hoggaamin karo.

Wuxuu xisbiyada tilmaamayo inaysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah ugu baaqay inaysan niyad jabin Shacabka Soomaaliyeed.

“Adigoo xisbi ah haddii aad aamisan tahay inaysan dalka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah waa inaad isaga laabato qabiilkaaga oo iska dhaafto xisbi, waxaan xisbiyada u dhisnay inaan qabiil ka gudubno, doorashada ay ku dhacdo nadaam dimoqraadi ah dadkana ay doortaan cidda ay u arkaan inay masiirkooda ku matali karto” ayuu yiri guddoomoye Cabdullaahi.

Halkaan hoose ka daawo shirkii jaraa’id ee Guddoomiye Cabdullaahi