Farmaajo oo xoqday kaarkii uu ku bixi lahaa markan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u muuqda inuu ugu dambeyntii si aan ka fiirsi laheyn u xoqday kaarkii uu ku bixi lahaa, kadib daan-daansi muddo socday oo uu waday.

Farmaajo ayaa markii uu muddo xileedkiisi sharciga ahaa uu dhamaaday billaabay inuu sameysto muddo kororsi sharci darro ah oo dalka geliyay dagaal horleh, kaasi oo uu markii dambe uu si qasab ah uga laabtay.

Tan iyo markaas, waxa uu Farmaajo bilaabay daan-daansi siyaasadeed oo ka dhan ah Ra’iisul Wasaare Rooble oo asagu loo igmaday in dalka uu ka saaro xaalada kala guurka, islamarkaana loo igmaday arrimaha doorashooyinka iyo amniga dalka.

Daan-daansiga Farmaajo oo marba marka kasii dambeysay isa-soo tarayay ayaa ugu dambeyntii gaaray in uu Rooble uu ka hor istaago in uu tago xafiiskiisa, kadib markii uu soo saaray qoraal sharci darro ah oo uu shaqada uga joojinayo.

Tallabooyinkii dambe ee aan ka fiirsiga laheyn ee uu qaaday Farmaajo, oo ay ugu dambeysay middii uu awoodda ciidan ugu adeegsaday xafiiskii Ra’iisul Wasaaraha ayaa la rumeysan yahay inay tahay middii uu ku bixi lahaa.

Farmaajo oo asagu aaminsan in uu dalka uu ku maamuli karo awood ciidan ayaa xilligan wajahaya culeyskii ugu adkaa tan iyo markii uu dhamaaday muddo xileedkiisa, waxaana billowday abaabul cusub oo ka dhan ah rabitaanadiisa, kaasi oo dib loogu soo nooleeyay ciidankii Badbaado Qaran ee kal hore ku qasbay inuu ka laabto muddo kororsigii sharci darada ahaa ee uu sameystay.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in ciidanka Badbaado Qaran aysan markan dib u laaban doonin illaa madaxweynihii hore laga soo saaro Villa Somalia.

Fallan-qeeyayaasha siyaasadda ayaa qaba in xiisadda hadda jirta uu Farmaajo ku baxayo, maadama uu si ka fiirsi laheyn u xoqday kaarkii ugu dambeeyay, muddo laga indho saabanayey ficiladiisa guracan.

Si kastaba, waxaa saacadihii u dambeeyay magaalada Muqdisho soo galay ciidanka Badbaado Qaran, oo hadda ku sugan meel aan ka fogeyn Villa Somalia oo uu ku jiro madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: