Yaasiin Farey oo warixin yaab leh kasoo saaray xaaladda Sheekh Mukhtara Roobow

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku-simaha taliyaha Hey’adda NISA Yaasin Cabdullaahi Farey aya si deg deg ah uga soo jawaabay warbixintii uu ka codsaday wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ee ku saabsaneyd xaaladda Mukhtaar Roobow.

Yaasiin Farey ayaa sheegay in xaaladda caafimaad ee Mukhtaar Roobow ay tahay mid fiican, wuxuuna tilmaamay inuu dagan yahay guri ay si weyn u ilaaliyaan ciidamada Dowladda.

Yaasiin ayaa sheegay in Hey’adda NISA ay bil kasta uga baxdo nolosha Mukhtaar Roobow lacag gaareyso illaa 7 kun oo dollar.

“Mukhtaar Roobow noloshiisa waxaa bil walba NISA uga baxda 7,000 oo dollar si loo maareeyo noloshiisa iyo midka qoyskiisa, maadaama uu xubin ka noqday Al-Shabaab, islamarkaana uusan buuxin shuruudaha soo dhiibaha loo dejiyay inuu waajib ka saaran yahay amnigiisa,” ayuu Yaasiin Farey ku yiri qoraalka.

Wuxuu kaloo sheegay in qoyskiisa ay si joogto ah usoo booqdaan, islamarkaana uu leeyahay dhakhtar si joogto ah ula socdo xaaladiisa caafimaad.

Ugu dambeyntii Taliyaha ayaa sheegay in sababta uu Roobow u xiran yahay inay tahay maadaama uu kamid ahaa xubnaha Al-Shabaab, islamarkaana uusan buuxin shuruudaha looga baahnaa dadka kasoo baxaya kooxdaas ee isku soo dhiibayo Dowladda.

Halkaan hoose ka akhriso warqadda Yaasiin Farey