Maxkamadda Yurub oo guul taariikhi ah u gacan gelisay hooyo Soomaali ah + Sababta

Strasbourg (Caasimada Online) – Hooyo Soomaali ah ayaa guul taariikhi ah ka gaartay dowladda Norway kadib markii Maxkamadda sare ee xuquuqda aadanaha ee Yurub ay xukuntay in mas’uuliyiinta Norway ay ku xadgudbeen xuquuqdeeda kadib markii ay si qasab ah uga qaadeen wiilkeeda, kuna wareejiyeen qoys Kirishtan ah si ay u daryeelaan. 

“Aniga iyo macaamilkeygaba waxaan ku faraxsannahay xukunkan aqlabiyadda ah,” waxaa sidaas tiri Anna Lubin oo ah qareenka Mariya Abdi Ibrahim. 

Maxkamadda Yurub ee Xuquuqda Aadanaha, The European Court of Human Rights (ECHR) ayaa go’aankan gaartay Jimcihii, ayada oo xukmisay in canug Muslim ah aan la hoos geyn karin daryeelka qoys aamisan diin ama dhaqan ka duwan kiisa.  

Go’aanka ayaa soo geba-gebeeyey dacwad ay xareysa Mariya Abdi Ibrahim oo 11 sano kahor tagtay Norway kadib markii ay kasoo qaxday Soomaaliya. 

Markii uu wiilka Mariya ahaa 10 bilood jir, Adeegga Daryeelka Caruurta Norway ayaa ka bixiyey gacanteeda, ayaga oo ku eedeeyey dayacaad iyo ku-xadgudub. Waxaa canuga kadib la wareegay qoys Kirishtan ah oo kadibna jaray xiriirkii kala dhaxeeyey hooyadiisa.

Kadib markii ay ku guul-dareysatay isku day ay ku joojin laheyd in canuga laga qaato, Mariya oo hadda 28 jir ah ayaa codsatay in loo dhiibo qoys Soomaali ama Muslim ah, hase yeeshee Maxkamad Norway ah ayaa diiday codsigaas. Mariya ayaa dooneysa in canugeeda uusan lumin dhaqanka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka.

Go’aanka ay gaartay Maxkamadda fadhigeedu yahay magaalada Strasbourg ee dalka Faransiiska ayaa lagu sheegay in mas’uuliyiinta Norway ay ku guul-darreysteen inay xisaabta ku darsadaan dhaqanka iyo diinta wiilka. 

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku amartay xukuumadda Oslo inay 30,000 oo Euro oo magdhow ah siiso Mariya. 

Islaamka waa diinta labaad ee ugu weyn Norway kadib Kirishtan, waxaana xog la shaaciyey 2002 ay muujineysaa inay aamisan yihiin 182,826 qof ama 3.4% oo ka mid ah 5.4 milyan ee dalkaas ku nool. 

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: