Filish oo go’aan culus kasoo saaray qaadka KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Filish) ayaa go’aan culus kasoo saaray qaadka nooca Miiraa ee dalka Kenya, kaas oo uu sheegay in lagu iibiyo degmada Wadajir.

Cumar Filish ayaa shaaca ka qaaday in dalka laga mamuucay qaadka Kenya, ayna ka hortagi doonaan dadka keena iyo kuwa ka ganacsada.

Duqa Muqdisho ayaa xusay inay la socdaan, isla-markaana ay xog ku hayaan in qaadka laga soo dajiyo dhul xeebeedka degmada Wadajir, wuxuuna tilmaamay inay qaadi doonaan tallaabo culus oo looga hortagayo falkaas oo uu ku tilmaamay inuu yahay mid sharci darro ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kala xisaabtami doono mas’uuliyiinta degmada iyo saraakiisha laamaha ammaanka, isaga oo faray inay wax ka qabtaan arrintaasi.

“Dowladda qaadka Kenya way mamnuucday, Wadajir waxaa dhanka Xeebta looga keenaa qaadkaas oo waxaa lagu dhex iibiyaa degmada waxaana loo iib geeyaa Degmooyinka kale,  Hay’adaha amniga ee shaqada ku leh way joogaan, haddii kontorobaan lagu iibinayo oo aan dhuumasho ahayn idinkaa iibinaya oo raalli ka ah, maxaad sameyn kartaa qofkii Dowladdaan dhahaa ha diyaarsado wixii uu isaga celin lahaa,” ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Dowladda federaalka ayaa horay u mamnuucday qaadka Kenya, kaas oo suuq weyn ku lahaa Soomaaliya, waxaase haatan dalka soo gaala qaad laga keeno dalka Itoobiya.

Si kastaba, dowladda federaalka ay qaaday ayaa jawaab u aheyd xiisadda Soomaaliya kala dhexeysay Kenya ee ka dhalatay dacwadda Badda ee inta badan loo xukumay Soomaaliya.

Caasimada Online waxay leedahay App casri ah, waxaadna kala soo degi kartaa link-yada hoose: