Daawo: Farmaajo, Shariif, Xasan iyo musharixiin kale oo hortegay xildhibaanada BF

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) iyo madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa maanta hortegay xildhibaanada labada Aqal, si ay ugu jeediyaan khudbadahooda.

Farmaajo, Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa ka mid ah 19 musharrax oo maanta hadal-jeedintooda ka sameynaya Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku sugan yihiin xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka & guddoonkooda.

Maanta oo ah maalinta labaad ee hadal-jeedinta ayaa ku duwan shalay, marka loo eego saameynta musharixiinta hadlaya, walow maalintii 2-aad ay xildhibaano kooban tageen Afisyoone.

Musharixiinta ayaa la siiyey min 15 daqiiqo waxayna ka hadli doonaan taariikhdooda, barnaamijkooda siyaasadeed iyo ballan-qaadkooda ku aadan, haddii xilka loo doorto.

Sidoo kale ammaanka ayaa aad loo adkeeyey, waxaana sugaya ciidamada howlgalka ATMIS iyo kuwa Booliska oo la geeyey banaanka hore ee xerada si ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa.

Sida qorshaha uu yahay maanta ayaa lasoo gabagabeyn doonaa khudbadaha musharixiinta 39-ka ah, maadaama shalay la dhageystay hadal jeeinta 20 musharrax, halka 19-ka kale ee haaray maanta ay hortegi doonaan xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare.

Doorashada madaxweynaha ayaa dhaceyso 15-ka bishan May, taas oo ay si weyn ugu loolami doonaan musharixiintii ugu badnaa abid, inta la xasuusto doorashooyinka Somalia.

Halkan hoose ka daawo:-