Farmaajo, sida uu ciidanka ugu daabulay Gedo, ma ugu daabuli doonaa gargaar? 

Baardheere (Caasimada Online) – Maalin kasta diyaarado sida ciidan, gaadiid dagaal, hub iyo agabyo kale ayaa ka dagayay gobalka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Kaliya dowladda Soomaaliya gobalkaan ma geynin ciidanka ee sidoo kale maamulka Jubaland ayaa meelo kamid ah geeyay ciidan iyo gaadiid dagaal. 

Dhowr bil kadib, shacabka gobalka Gedo maanta uma baahna ciidan ee waxay u baahan yihiin wax ay cunaan iyo wax ay cabaan oo deg deg ah. Degmooyinka qaar dhimasho ayaa laga soo sheegayaa kadib markii ay dadku waayeen wax ay cunaan iyo wax ay cabaan, qaar kale oo degmooyinka ka mid ah waxaa ka jiraxaalado bini-aadinimo oo aad u daran. 

Ilaa hadda gobalka Gedo ma helin wax gargaar ah waxaana la sheegayaa in boqolaal dollar la kala iibsanayo booyada biyaha ah, sidoo kale isgaarsiinta gobalkaas ayaa maqan, waxaana jaray Al-Shabaab. 

Degmooyinka ugu daran waa Baardheere iyo Ceelwaaq oo la xaqiijiyay geerada xoolo badan iyo dad ku dhow ilaa 5 qof. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhimashadu dadka ay intaas ka badan tahay. 

Maamulka Jubaland iyo Madaxweyne Farmaajo waxa uu gobalkaan mid kasta u yahay muhiim waana gobalka sababay in muddo dheer laga heshiin waayo doorashada Soomaaliya oo qodobada la isku haayo ay ugu weyn tahay arrinta gobalka Gedo.

Farmaajo waxa uu Soomaaliya oo dhan u xayiran una diidan yahay inay doorasho ka dhacda gobolkan dartiis, inkasta oo dadka qaar rumeysan yihiin in gobolka uu qiil ka dhiganayo, balse sababta uusan doorasho u ogoleyn ay tahay inuu doonayo inuu kursiga ku fadhiyo.

Iminka, shacabka Gobalka Gedo iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ayaa hada is weydiinayaa, Madaxweyne Farmaajo sida uu ciidan ugu daabulay Gedo, gargaar deg deg ah ma ugu daabuli doonaa?