“Farmaajo waa inuu xaliyaa khilaafka labada aqal”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore ee gaadiidka iyo duulista hawada Saciid Qoorsheel oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay khilaafka aan wali la xalin ee u dhaxeeya xildhibaanada labada aqal ee baarlamaanka.

Wasiir Qoorsheel ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya labada aqal, isaga oo sheegay in loo baahnaa in marka hore laga fakaraa sharuucda ay ku wada dhaqmi karaan labada aqal ee baarlamaanka.

Khilaafka ayuu sheegay inay ka yimid shaqooyinka qaar oo ay lahaayeen xildhibaanada aqalka sare oo lala garab maray, balse wuxuu cadeeyay in dhamaan waxyaabaha la isku qabtay ay yihiin wax laga wada hadli karo.

“Aqalka sare waxbey tirsanayaan, waana in lala garab maray shaqooyinka qaar oo ay lahaayeen, waxayna ila tahay in dhamaan laga wada hadli karo oo xal laga gaari karo”ayuu yiri Saciid Qoorsheel wasiirkii hore ee duulista hawada.

“Waa la wada doortay xildhibaanada labada aqalka, Aqalka sare wuu ka duwan yahay sida loosoo xushay aqalka hoose, waxayna ila tahay in sidaasi aysan u kala duwanaan karin”ayuu yiri.

“Waxaan ugu dambeyn leeyahay waa la is tijaabinayaa awood ahaan, laakiin sharciga marka la gudo galo waxaa la ogaanayaa qof walbaa wuxuu xaq u leeyahay, sharciga sidiisana waxaa loo baahan yahay inuu saxo waa Madaxweynaha ummada Soomaaliyeed, waana filayaa inuu wax ka qabto”ayuu yiri Qoorsheel.

Xildhibaanada aqalka sare ayaa dhawaan sheegay inay xiriirka u jareen golaha shacabka, kadib markii la isku qabtay meel marintii miisaaniyadda dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com