Faroole: DFS ayaa ka dambeesay wixii igu qabsaday shirkii New Deal

Nairobi (Caasimada Online) Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole ayaa si kulul u weeraray madaxda dowladda fedaraalka Soomaaliya.

Isagoo la hadlaayay galabta BBC-da ayuu sheegay Foroole in dowladda Soomaaliya ay qash-qashaad ku sameesay khubadii uu ka jeediyay shirkii Heshiiska cusub ee New Deal.

Wuxuu sheegay in markii la soo gaaray khubadiisa uu madaxweynaha ka baxay goobta shirka, isla markaa sarakiishii la socotay ay saxaafadda Soomaalida ee goobta sida tooska warka uga tabinayay ay ku amreen in khudbadiisa aysan tabin karin sida uu hadalka u dhigay.

Mar la weydiiyay sida uu arko hadal uu sheegay xog-hayaha arrimaha dibedda Maraykanka John Kerry oo la kulmay madaxweynaha Soomaaliya in la heshiiyaan maamulada Puntland iyo Somaliland, wuxuu sheegay in uu soo dhaweenaayo hadalkaas, balse dowladda hadda jirta oo sida uu yiri ku kooban Muqdisho aysan arrintaas u soojeedin.

Sidoo kale, waxaa la weydiiyay sida uu yahay xiriirka dowladda iyo maamulkiisa, wuxuuna sheegay in xiriirka labada dhinac uu muujinaayo sida loo arbushay khudbadiisa, wuxuuna sheegay in uu maamulkiisa diyaar la yahay siddii uu u la shaqeen laha dowladda Soomaaliya.

Wuxu dowladda ku eedeeyay in wax badan ay ka badashay dastuurkii kumeel gaarka ee dalka loo sameeyay, isagoona sheegay in uu ka dambeeyo raggii wax ka sameeyay dastuurka.

Ugu dambeen wuxuu sheegay dowladda hadda jirta in ay ku tumatay dastuurka dalka u yaalla, wuxuuna tilmaamay in baarlamaanka Soomaaliya asyan xaq u lahayeen in ay wax ka badalaan dastuurka maadama ay soo dhiseen lixdii saxiixayaasha Roud-Map-ka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com