Faroole oo cabasho iyo digniin isugu daray DF Somalia (Maxaa ka maqan?)

Madaxweynaha maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa digniin iyo baaq u jeediyay Dowladda Somalia, isaga oo tix raacaya aqoonsiga dhowaan ay ka heshay Mareykanka.

Faroole oo aad mooday inuu u hadlayay sida qof carreysan, ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aan looga baahneyn inay keligeed isku koobto dowladnimada.

Faroole waxa uu yiri “Haddii Mareykanka uu sheegay in Somalia uu aqoonsaday taa macnaheeda ma ahan in Somalia iminka ay heshay aqoonsi Dowladnimo, balse Soomaaliya waligeed ayeey Dowlad aheyd”.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in hadii Soomaali wadada toosani la mariyo ay hagaagayso, balse hadii hogaanka Dowladda dhexe ee dalka Soomaliya uusan hagaajin maamulka aysan waxba hagaageyn.

Wuxuu tilmaamay inaysan iminka raali ka aheyn qaabka iminka wax ay usocdaan iyo sidoo kale sida Dowladda Soomaaliya ay isugu koobayso awoodaha maamul usameynta Gobalada dalka Soomaaliya.

Maamulka Puntland ayaa mar kasta oo uu ka hadlo dowladda Somalia, waxa uu raaciyaa digniin iyo cabasho, ayada oo sida muuqata afka ka taageersan dowladda, balse qalbiga aan ka jecleyn.