Cabdiraxmaan Faroole oo ka degay HARGEYSA

Hargeysa (Caasimada Online) – Wararka na soo gaaraya ayaa sheegaya in madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole uu tagay magaalada Hargeysa, iyadoo safarkiisu yahay mid aad loo hadal hayo.

Safarka madaxweynihii hore ee Puntland uu ku tagay magaalada Hargeysa ayaa waxaa loo badinayaa qancinta qoyska ay ka dhalatay xaaskiisa oo dhawaan wiilkiisa uu ku dilay magaalada Garowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Somaliland iyo Puntland waxaa ka dhaxeeyo khilaaf dhanka soohdimaha ah, waxaana la ogeyn waxyaabaha iska badalay mowqifkii Somaliland ee ku aadanaa siyaasiyiinta koofurta Soomaaliya.

Warar aan heleyno ayaa sheegaya in Somaliland ay fasaxday in siyaasiyiinta koofurta Soomaaliya ay tagi karaan deegaanada Somaliland, halka fanaaniinta iyo dadka kale loo ogolaaday iney ka shaqeysan karaan koofurta Soomaaliya.

Xaaska uu qabay C/raxmaan Faroole ayaa kasoo jeeda deegaanada maamulka Somaliland waxaana Faroole la socda eheladiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com