Dagaal ka dhex qarxay DF Somalia & Ahlu-Sunna

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ciidamo ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo Ahlu sunna ayaa ka dhacay gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, sida ay seegayaan wararka aan ka heleyno deegaanada gobolka Galgaduud.

Dagaalka ayaa ka dambeeyay kadib markii ciidamada Ahlu sunna ay wadada u galeen gaadiid uu la socday taliyaha ciidamada xerada 21 Sulub Axmed Diiriye, waxaana kadib dhacay iska hor imaad u dhaxeeyay ciidamada dowlada iyo Ahlu sunna.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay tuulada Laandheer oo hoostagta deegaanka Xaranbuure oo u dhow Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Deegaanka dagaalka uu ka dhacay ayaa u dhaxeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo magaalada Cadaado, waxaana la sheegayaa inuu sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dhinacyada ku dagaalamay gobolka Galgaduud.

Ciidamada uu hogaaminayay Sulud Axmed Diiriye, ayaa ugu dambeyn ka gudbay deegaanka dagaalka uu ka dhacay waxaana taliyaha uu kusii jeeday degmada Cadaado.

Ma jiro wax war ah oo labada dhinac kasoo baxay.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com