XOG: Guuleed iyo Axmed Madoobe oo kulmaya!!

Muqdisho (Caasimada Online)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi la filayo iney kulamo gaar gaar ah ku yeeshaan madaxweynaha Galmudug iyo madaxweynaha Jubba oo uu wehliyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Maanta waxaa magaalada Gaalkacyo gaaray Madaxweynaha Jubba Axmed Madoobe iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Cumar C.rashiid Cali oo kasoo tagay magaalada Garowe.

Qorshaha tagitaanka wafdiga ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ee Gaalkacyo ayaa la sheegayaa iney tahay la kulanka madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Sidoo kale wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Galmudug ayaa la qorsheynaya iney tagaan magaalada Gaalkacyo si ay kulanka ra’iisul wasaaraha Soomaaliya kaga qeyb galaan.

Ilo xog ogaal ah ayaan kasoo xiganay in qorshaha uu yahay in labada masuul ay kulan ku yeeshaan magaalada Gaalkacyo si Galmudug loogu gudbiyo natiijada kulamadii ka dhacay magaalada Garowe.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa wado qorshe lagu dhameynayo xiisada dhanka dastuurka ee u dhaxeysa maamulada Puntland iy Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com