Akhriso qoraal laga soo saaray kulankii Garoowe uga socday DF Somalia, Jubbaland iyo Puntland

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo uu dhowr maalmood qaatay shir ay Magaalada Garoowe ku wada qaateen Ra’isalwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke iyo Madaxweynayaasha Maamullada Puntland iyo Jubba ayaa laga soo saaray war murtiyeed ku saabsan qodobbada lagu heshiiyay.

Qodobada lagu heshiiyay ayaa waxaa ka mid ah ilaalinta Dastuurka dalka, Shir dib u heshiisiin ah oo ay qabato Dowladda Soomaaliyeed loona qabanyo Umadda Soomaaliyeed iyo ilaalinta midnimada Soomaaliyeed, waxaana Heshiiska ka maqan qodobadii uu muranka ka taagnaa kuwaasi oo aan weli xal laga gaarin.

Maamullada Puntland iyo Jubba ayaa ka biyay diiday Guddiyo baarlamaanka Soomaaliya uu horay u meelmariyay kuwaas oo kala ahaa Guddiga doorashooyinka madax banaan, xudduudaha iyo federaalka iyo Guddiga dib u eegista Dastuurka.

Waxaa weli taagan qodobo dhowr ah oo aan lagu heshin kuwaasi oo qabyo looga tagay markii laga reebo in la tixgaliyo Dastuurka iyo Midnimada Somalia.
140